Don't join any of these group ISIS, Al Qaida, Al Shabab and Boko haram these are human traffickers

Saturday, December 29, 2012

18 Soomaali tahriib ah oo ku dhintay Libya

BBC SOMALI

 28 December, 2012, 20:21 GMT 23:21 SGA

Sanad walba tobanaan Soomaali ah ayaa ku dhinta xeebaha dalka Libya
Sideed iyo toban Soomaali tahriib ah ayaa dhintay, in ka badan labaatanna waa ay ku dhaawacmeen meel u dhaw magaalada Misrata ee dalka Libya kadib markii baabuur ay ku safrayeen uu la qalibmay.
Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Libya, Cabdiqani Maxamed Waceys, ayaa BBC u sheegay in baabuurka ay dadkaasi Soomaalida ku safrayeen ay sidoo kale saarneyd shamiinto.
Gaariga, ayaa waxa uu waday ilaa 120 Soomaali tahriib ah oo u socday xeebaha dalka Libya, si ay halkaasi uga sii tahriibaan qaaradda Yurub.
Sanad walba tobannaan kun oo Afrikaan tabriih ah ayaa u safra dalka Libya iyo dalalka kale ee ku yaal waqooyiga Afrika, iyaga oo rajeynaya inay ka gudbaan badda si ay u gaaran Yurub.

Wararka la xiriira

 

No comments:

Post a Comment